Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa maanta oo Talaado ah waxay weerar Ismiidaamin ah ka fulisay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxaan oo ka dhacay Isgoyska Baar-Ismaaciil ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Malitariga Soomaaliya, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Goobjoogayaal.

Sidoo kale, meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa ku yaalla Suuq yar, kaasoo lagu iibiyo Khudrada noocyadeeda kala duwan, kaasoo dadka Safarka ah ee gaadiidka rakaabka wax ka iibsadaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo uu fuliyay naftii-hure watey Gaari nooca loo yaqaano NOAH oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo beegsaday Ciidamo ka gudbayay Koontaroolka Baar Ismaacil.

Waxay sidoo kale kooxdan sheegtay inay ku dishay weerarka 12 Askari oo kamid ah Ciidamada Mareykanka xilli ay ka yimaadeen Saldhigga Balli-Doogle, kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Laakiin, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda maamulka gobolka ayaa u sheegay GO inaysan jirin wax dhimasho ah oo qaraxa uu sababay, isagoo intaasi ku daray in 4 ruux oo kaliya ay ku dhaawacmeen.

Bishii Maarso ee sanadkaan ayey ahayd kadib markii Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Degmada Afgooye ay ku dhinteen Sideed qof, waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegtay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay bishaan Ramadaan weerarada ay ka geysanayaan guud ahaan Soomaaliya, waxaana qaraxan maanta uu kusoo beegmayaa iyadoo shalay Gudoomiye cusub loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM