Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax xoog leh oo caawa fiidkii salaadda maqrib kadib ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu diyaarinayay guri ku yaalla Xaafada Oodweyne ee degmada deeyniile, isla waxaana uu geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen GO.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo ay ku jiraan Canug yar iyo Haweenay kuwaasi oo kamid ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa Guriga lagu diyaarinayay qaraxa, iyadoo aan la ogeyn in kuwaasi diyaarinay ay kamid yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ay tahay 4 qof, sidoo kalena ay jiraan ku dhawaad 5 kale oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaarey qaraxan oo ahaa mid culus oo laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Saraakiisha amaanka degmada iyo kuwa Nabad Sugida dowladda ayaa la wareegay Guriga uu qaraxa lagu dhex diyaarinayay, iyadoo wali aan fahfaahin laga bixin natiijada baaritaanka ciidamada ay sameeyeen.

Dadka ku dhawan xaafadda Oodweyne ayaa soo food-saartey casbi xooggan kadib qaraxii caawa, iyadoo Deyniile ay kamid tahay meelaha xubnaha Al Shabaab ay sida aadka ah ugu dhex-dhuumaalaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM