Wararkii ugu dambeeyay qaraxii caawa ruxay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Khamiista caawa ah ka dhacay bartamaha magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee caasimada Soomaaliya.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay halka uu ahaa bartilmaameedka weerarka. Fahfaahinada qaar waxay sheegayaan in uu ahaa Hotel-ka Maka Al Mukarama.

Si lamid ah, meesha uu qaraxu ka dhacay waxaa ku yaalla Hotelo kale oo ay ku jiraan Hilaac UK, Wardheere iyo goobo kale oo ganacsi, kuwaasi oo uu sameeyay qaraxa.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in khasaaraha uu geystay weerarka ay badan tahay, inkasta oo aan la cayimi karin maadaama ay habeen tahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaan oo noqonaya mid kamid kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca magaaladda Muqdisho sanadkaan 2019.

Fahfaahino dheeraad ah kula soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM