Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qaraxyo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho saacadihii hore ee saaka oo Sabti ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee Soomaaliya.

Qaraxyadda oo ahaa Labo, ayaa midka koowaad oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu weeraray Bar-kontarool oo laga gallo Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha, oo hal dhismo wada degan, kaasi oo kasoo horjeeda xarunta Gollaha Shacabka.

Midka labaad oo aan wali la ogayn noociisa ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ahaa nin isku qarxiyay gudaha kadib qaraxii kowaad ee Gaariga loo adeegsaday kaasi oo dagaalyanado katirsan Al-Shabaab ay wadada kusoo furteen.

Qaraxyadda kadib ayaa la maqlay Rasaas xooggan iyadoo war kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in dagaalyahano ay gudaha u galeen dhisamaha, islamarkaana ay wali ka dagaalamayaan.

Wararka waxay sheegayaan Rasaasta ay is-dhaafsanayeen Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda gaar ahaan, kuwa Ilaalada ka hayay Wasaaradaha la sheegay inuu weerarku ka dhacay.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyadaan wali la xaqiijin, wallow Gadaadiidka Gurmarka Deg-dega ah laga maqlayo gabi ahaanba caasimadda, iyagoona kusii qul-qulaya goobta ay wax ka dhaceen.

Xerada Otto Otto, oo la sheegay inuu weerarku ku dhacay, islamarkaana xarun u ah Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha, waxay ka soo horjeeddaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna qiyaastii wax ka yar 1-KM u jirtaa madaxtooyada Soomaaliya.

Xaalad jaha-wareer ah ayaa nawaaxigaas oo dhan ka jirta waqti xaadirkaan, iyadoo ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba xireen wadooyinka soo gala meesha ay wax ka dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM