Wararkii ugu dambeeyay wadaxaajoodyada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Macluumaadyo dheeraad ah ayaa laga helayaa shirka Dhuusamareeb uga furmay madaxda Soomaalida kaas oo ay diiradda ku saarayaan xal u helida is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21.

Warar horudhac ah ayaa muujinaya in madaxda ay maanta diiradda saareen qadiyadda Somaliland iskuna raaceen in ay tashi ka yeeshaan afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

"Xaashi iyo Mahdi ayaa laga sugayaa in ay go'aan mideysan kusoo celiyaan shirka," ayuu yiri masuul si dhow ula socda shirka oo u waramay Garowe Online kaasoo ka gaabsaday in uu cayimo mudada ay haystaan labadaas masuul.

Qodobkan ayaa kamid ah saddexda qadiyadood ee uu daaran yahay shirka Dhuusamareeb 4, iyada oo labada arrin kale ay kala yihiin; guddiyadda ay Villa Soomaaliya faragelisay iyo ciidanka Gedo jooga.

Qadiyadda gobolka Gedo ayaa ah tan ugu culus waxaana Villa Soomaaliya quudareyneysaa Xildhibaanada degaanadaas laga soo doorto,

Dhanka kale, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya oo shirka socda qoraal kasoo saarey ayaa hogaamiyeyaasha ku booriyey in ay waddanka u tanaasulaan.

"Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka," ayay ku sheegeen qoraal kooban.

Wadaxaajooyadda maanta bilowday ayaan la ogayn goorta lasoo gabagabeyn doono, hasa ahaatee, waxaa xusid in laga doonayo in ay heshiis gaaraan kahor 8-da Febraayo oo waqtiga dowlada dhacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM