Wararkii ugu dambeeyay weerarka Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Dhexe

Image

BALCAD, Soomaaliya - Al Shabaab, ayaa saakay waabarigii weerar ku qaaday deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30 KM dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dagaalka oo dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Al Shabaab ku galeen saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Qalimow halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoog leh sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo hadlay GO.

Dagaalka waxaa ku dhintay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah dadka rayidka ah ee degen deegaanka Qalimow sida uu xaqiijiyay sarkaal caafimaad oo diiday in aan magaciisa xigano.

Dhanka kale gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidanka ciidanka milatariga kana baxay magaalada Jowhar ayaa miino kula qaraxday wada isku xirta xarunta maamulka Hirshabeelle iyo deegaanka Qalimow iyadoo labo kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga ay dhinteen labo kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Al Shabaab oo sheegtay in ay weerar “Cagta marin” ah ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka Qalimoow ayna halkaasi daabusheen saanado melleteri.

Waxa ay intaasi ku dareen in ay weerar iyo qaraxa ay ku qaarajiyeen ugu yaraan 6 askari oo uu jiro sarkaal lagu magacaabo Taakoow Dhagey.
Lama oga qasaaraha ka soo gaaray maleeshiyada Al Shabaab dagaalka ka dhacay Qalimow,mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada.

Deegaanka Qalimow oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa dhowr mar weerar ku qaaday Al Shabaab oo ka gaystay qaraxyo ay ku nafwaayeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Axadii golaha wadatashiga qaran ayaa la faray qaybaha kala duwan ee in ciidanka in ay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, oo ay diirada saaraan masuuliyada amniga maadaama mudadii uu xafiiska joogey Farmaajo ay Ciidanka qaranka si aad ah ugu milmay siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM