Wararkii ugu dambeeyay Xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad diblumaasiyadeed oo horleh ayaa ka dhex-qarxday labada wadan ee deriska ah, kadib markii Kenya ay u yeertay safiirkeeda u jooga Muqdisho, iyada oo kan Soomaaliyana ka dalbatay in uu dowladiisa lasoo tashado.

Xukuumada Nairobi ayaa ku andacooneysa in Somalia ay magaalada London ee caasimada UK "ku xaraashtay" xirmooyin Shidaal iyo Gaas oo ku jira dhul badeed ay ku muran-san yihiin labada dal.

Muranka badda ee labada dal oo haatan kiiskiisu hor yaallo madaxda cadaalada aduunka ee ICJ ayaa maraya heer gabagabo ah, waxaana xeel-dheerayaashu sheegayaan in Kenya ay ka cabsi qabto in laga xukmiyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow safaarada Soomaaliya ee Nairobi ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Kenyy kahor go'aankeeda ay u qortay Villa Somalia kadib shirkii London warqad ay ku codsaneyso raaligelin.

Hasa yeeshee, madaxda Soomaaliya ayaa ku gacan-saarey taasi, iyaga oo aanan ka bixin warqadaasi wax jawaab ah.

Warar ayaa soo jeedinaya in booqashadii ugu dambeysay ee uu Khayre ku tagay Kenya, uu Madaxwayne Uhuru Kenyatta ka dalbaday in gabi ahaanba la baajiyo shirka London, taasi oo aanan dhicin.

Sikastaba ha ahaatee, kadib go’aankii xalay kasoo baxay, warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay shir deg deg isugu yimaadaan madaxda ugu sareysa wadanka, iyaga oo ka arinsanaya arrintaan soo korodhay.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in kulankaasi layskula soo qaaday nooca jawaab oo ay xukuumada ka bixineyso qoraalka Kenya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu war cad soo baxo.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan caalamka ayaa aad u dhowraya nooca ay noqon doonto jawaabta XFS, maadaama go’aanadii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadeed ay ahaayeen kuwa naadir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM