Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhow inay soo gebagebeeyaan wejigii koowaad ee howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo lagu beegsanayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa go’doomiyay degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, waxa ayna ka fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday goobaha ay ku sugnaayeen maleeshiyadka.

Marka la soo gabagabeeyo xoreynta deegaanadaas ayaa waxaa la bilaabaya wajigii labaad ee howlgalka oo lagu beegsanayo dhulalka baaxadda leh ay al-shabaab gacnta ku hayaan ee ku kala yaalla Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Waxaa la isla qaatay sida ku cad heshiisyadii ay dowladda Soomaaliya dhawaan la gashay dalalka dariska ah ee loo yaqaan "Safka Hore" inay ka qeyb qaadan doonaan wajiga 2-aad ee loogu magac daray Black Lion.

Balse, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa aaminsan in arrintaasi ay suuragal ahayn, maadaama uusan dhankooda ka muuqan wax diyaar-garow ah. Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyey idaacadda VOA.

"Markii la eego dhaqdhaqaa iyo diyaar-garowga Black Lion uma muuqda inay si dhaqsi ah nugu soo biiri karaan." Ayuu yiri taliyaha.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato yoolka dowladda ee ku aaddan xoreynta dalka iyo xaqiijinta in ciidamada Soomaaliya ay howlgalka ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM