Xogtii ugu dambeeyey kulanka ka socda Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMREEB, Galmudug - Wararka ka imaanaya magaalo madaxda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kulankii uga socdey madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowladda Federaalka horumar laga gaarey qodobada qaarkood halka kuwa kale weli wadahadal adag ka socdo.

Sida xogta ay sheegeyso waxaa laga gaarey horumar fiican guddiyada doorashada kuwaas oo la xusey in dib loogu noqon doono lagana saari doono shaqsiyaadka la sheegayo iney ka tirsan yihiin hay'addo dowladeed.

Dhinaca kale, guddiyada doorashada ee gobolada Woqooyi iyo go'aan ka gaaristooda waxaa lagu heshiiyey in loo qaybiyo labada dhinac ay kala hogaaminayaan Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka ah iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Waxaa socda iyadana wadahadal ku aadan muddo xileedka dowladda Farmaajo taas oo la filayo in la kordhiyo xilli lagu tilmaamo mid shaqo ama jadwaleysan iyada oo lagu qabanayo qodobada lagu heshiiyo ama ka soo baxa wadahadalada socda.

Qodobka Gedo ayaa ilaha aan ka helney xogta waxay noo sheegeen in dood badan laga sameeyey welina socoto iyada oo ay kamid yihiin qodobada laga falanqeeyey; In la saaro guddi ka socda maamul goboleedyada oo dib u heshiisiin ka sameeya gobolka Gedo iyo sidii doorasho loogu qaban lahaa; In la geeyo ciidamo booliis ah oo ka socda AMISOM kuwaas oo saamixi doona in doorasho ay goob joog tahay maamulka Jubaland ka dhacdo gobolkaas.

Weli ma cadda halka ay wada cuskan doonaan qodobadan iyada maanta oo Khamiis ah shirku galay inta uu socdey maalintii Labaad.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM