Wararkii ugu dambeeyey kulanka Muqdisho uga socda madaxda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadeen maanta kaasoo uu shir gudoominayey Madaxweyne Farmaajo ayaa lagaga hadlay dhameystirka qodobada lagu heshiiyey ee shirka wadatashi oo ka socda magaalada Muqdisho

Kulankaan oo ay goob joog ahaayeen qaar ka tirsan guddiyada farsamada maamul goboleeyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararka aan helyno xusayaan in isla-gorfeeyey qodobada galaya qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxi doona shirkaan.

Shirka madaxda Soomaalida ee uga socda Muqdisho oo la filayo in maalinta berri ah la soo gabagabeeyo ayaa sida warsidaha GO soo gaaraya sheegayaan in heshiis laga gaarey qodobo ay ka mid yihiin Dastuurka, qaybsiga Khayraadka, ka joojinta faragalinta arimaha gudaha ee maamulada balse lama filayo in uu ka muuqdo qodobka khilaafka u dhexeeya dowladaha Khaliijka.

Warmuriyeedka/Heshiiska oo la filayo in la saxiixo maalinta berri ah ayaa kadib madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka kulan balaaran la gali doonaan wakiilada beesha caalamka kuwasoo ay ku wargalin doonaan natiijada.

Warar kale aya sheegaya in go'aan laga gaarey magaca loogu yeeri doono qoraalka ugu dambeeya iyadoo saraakiil diidey magacooda xusayaan in la oran doono Heshiis.

Madaxda Soomaalida oo kulan uga socdo Muqdishu maalintii 7aad ayaa wararka waxay sheegayaan in jawiga wadahadalka dhinacyada uu wanaagsan yahay iyadoo la filayo guddiyo ka tirsan labada dhinac wadaan qodobada laga heshiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM