Warbaahinta dowlada oo u dhutisay xiisadda Ikraan Tahliil

Image
Hardanka ugu badan ayaa ka dhacay maamulka ciwaanada baraha bulshadda ee saxaafada qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Khilaafka soo shaac-baxay ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa saameyn aad u daran wuxuu ku yeeshay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka.

Tan iyo markii murankan ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu banaanka yimid, shaashada telefishinka Ayaan marnaba laga soo baahin wararka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan macluumaadyada la helayo, ciwaanada baraha bulshadda ee warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxaa laga saarey dhamaan shaqsiyaadka lala xiriirinayo Madaxtooyada si aysan u soo daabicin fariimaha hogaamiye Farmaajo

Shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegay Garowe Online in xafiiska wasiirka koowaad Rooble uu ku wargeliyey warbaahinta qaranka in aysan faafin karin wareegtooyinka uu soo saaro Farmaajo maadaama waqtigiisu dhacay.

"Wariyeyaasha warbaahinta dowladda waxay tan iyo markii is-maan-dhaafka soo shaac-baxay ay ku jiraan xabsi kor ka furan. Dowladda soo socota waxaan rajaynayaa in ay noqoto mid dhowrta madax-banaanida saxaafada qaranka," ayuu raaciyey.

Arbacada todobaadkii hore ayay si rasmi ah dibada u timid in xafiiska Rooble uu ku adkaadey maamulka warbaahinta dowladda ka gedaal markii ciwaanada baraha bulshada ee warfidiyeenka qaranka laga saarey wareegto Farmaajo ku naqdiyey Rooble.

Wareegtadaas ayaa ku saabsaneyd diidmo uu ka muujiyey xil ka qaadis uu Rooble ku sameeyay wasiirka amniga gudaha, Xasan Jimcaale Xundubey, kaasoo tan iyo markii la eryay baraha bulshadda ka waday olole ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta dalka.

Soomaaliya oo kamid ah meelaha ugu xun ee warbaahin ay ka shaqeyso ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa loo tixgeliyaa in ay ahayd maalmihii ugu xumaa ee saxaafada Soomaaliyeed maadaama ay hareeyeen laaluush siin, shirqool iyo cagajugleyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM