Warbixin: Qadar oo cadaadis ka haysto lacagaha ay siiso dowlada Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Waxaa soo ifbaxaya welwel beesha caalamka ka qabto lacagaha dowlada Qadar sida tooska ah u siiso Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Qadar oo tageerta dhaqaale ahaan  dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan lacagta ay bixiso toos u bixisa balse aan soo marin bangiga dhexe.

“Lacagaha dowlada Qadar siiso dowlada Federaalka Soomaaliya waxay khatar ku yihiin jiritaanka iyo dib u dhibka hay’adaha Soomaaliya” Sidaas waxaa qoraal uu u direy safiirka Dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya ku yiri Axmad Tiir oo wax ka qora arimaha  Siyaasada Soomaaliya.

Waxaa maalmhaan ka socda dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Ingriiska iyo Mareykanka banaanbaxyo jaaliyadaha Soomaaliya ee ku nool wadamadaas ka sameynayaan safaarda Dalka Qadar horteeda kaas oo ay kaga cabanayaan in lacagaha dowldaas bixiso caqabad ku noqdeen jiritaanka iyo dib u dhiska hay’dahii dowliga ahaa kuwaas meesha ka saarey isla-xisaabtankoodii.

Dowlada Federaalka gaar ahaan qaybta fulinta oo la sheegayo in lacagtaas toos uga hesho wadanka Qadar ayaa lagu eedeynayaa iney lacagtaan u isticmaalaan laaluush siinta xildhibaanada, la dagaalanka mucaaradka iyo badalista madaxda maamulada Soomaaliya xiliga doorashada.

Lacagtaan ayaa sidoo kale dadka aadka uga warhaya waxay sheegayaan in la siiyo dad badan oo hay’ada fulinta dowlada uga shaqeeya baraha bulshada kuwaas oo weerara mucaaradka ama dacaayado lagu amaanayo madaxda Villa Soomaaliya ku qora Facebook iyo Twitter- ka.

Beesha caalamka gaar ahaan midowga Yurub, Ingriiska, Mareykanka iyo Turkiga ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Dalka Qadar Cadaadis ku saaraya iney lacagahaan soo mariyaan Bangiga dhexe si ay u maraan nidaam xisaabeed oo dhab ah.

Dalka Turkiga oo gacansaar dhow la leh Dalka Qadar ayaa lacagta uu siiya dowlada Soomaaliya waxaa ay soo martaa Bangiga dhexe iyadoo ka muuqata misaaniyada Dalka ee Barlamanka Soomaaliya ansaxiyo.

Cadaadiskaan haysta dowlada Qadar iyo Dowlada Soomaaliya kaas oo ah in la cadeeyo lacagahaan sida ay ku baxaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maalintii shaley madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagey magaalada Doha halkaas oo casumaad rasmiya ka heley amiirka dalkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM