Warbixin: Qadar oo cadaadis ka haysto lacagaha ay siiso dowlada Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Waxaa soo ifbaxaya welwel beesha caalamka ka qabto lacagaha dowlada Qadar sida tooska ah u siiso Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Qadar oo tageerta dhaqaale ahaan  dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan lacagta ay bixiso toos u bixisa balse aan soo marin bangiga dhexe.

“Lacagaha dowlada Qadar siiso dowlada Federaalka Soomaaliya waxay khatar ku yihiin jiritaanka iyo dib u dhibka hay’adaha Soomaaliya” Sidaas waxaa qoraal uu u direy safiirka Dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya ku yiri Axmad Tiir oo wax ka qora arimaha  Siyaasada Soomaaliya.

Waxaa maalmhaan ka socda dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Ingriiska iyo Mareykanka banaanbaxyo jaaliyadaha Soomaaliya ee ku nool wadamadaas ka sameynayaan safaarda Dalka Qadar horteeda kaas oo ay kaga cabanayaan in lacagaha dowldaas bixiso caqabad ku noqdeen jiritaanka iyo dib u dhiska hay’dahii dowliga ahaa kuwaas meesha ka saarey isla-xisaabtankoodii.

Dowlada Federaalka gaar ahaan qaybta fulinta oo la sheegayo in lacagtaas toos uga hesho wadanka Qadar ayaa lagu eedeynayaa iney lacagtaan u isticmaalaan laaluush siinta xildhibaanada, la dagaalanka mucaaradka iyo badalista madaxda maamulada Soomaaliya xiliga doorashada.

Lacagtaan ayaa sidoo kale dadka aadka uga warhaya waxay sheegayaan in la siiyo dad badan oo hay’ada fulinta dowlada uga shaqeeya baraha bulshada kuwaas oo weerara mucaaradka ama dacaayado lagu amaanayo madaxda Villa Soomaaliya ku qora Facebook iyo Twitter- ka.

Beesha caalamka gaar ahaan midowga Yurub, Ingriiska, Mareykanka iyo Turkiga ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Dalka Qadar Cadaadis ku saaraya iney lacagahaan soo mariyaan Bangiga dhexe si ay u maraan nidaam xisaabeed oo dhab ah.

Dalka Turkiga oo gacansaar dhow la leh Dalka Qadar ayaa lacagta uu siiya dowlada Soomaaliya waxaa ay soo martaa Bangiga dhexe iyadoo ka muuqata misaaniyada Dalka ee Barlamanka Soomaaliya ansaxiyo.

Cadaadiskaan haysta dowlada Qadar iyo Dowlada Soomaaliya kaas oo ah in la cadeeyo lacagahaan sida ay ku baxaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maalintii shaley madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagey magaalada Doha halkaas oo casumaad rasmiya ka heley amiirka dalkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM