Wargeys caan ah oo baahiyay xog cusub oo ku saabsan eryidii Ergeyga QM

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo todobaadkaan booqasho ku tegay Somaliland ayaa baajiyay booqasho la filayay inuu ku yimaado Muqdisho iyo kulan uu la lahaa Farmaajo, sida ay ku warameyso warbaahinta UK.

Wargeyska The Independent ee kasoo baxay dalka Britain ayaa daabacay in talaabada uu wasiirku qaaday ay salka ku hayso go’aankii ay xukuumadda Muqdisho ka qaadatay eryida wakiilkii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom.

Haysom ayaa dalka laga fiijiyay kadib markii uu ka dalbaday Madaxtooyadda inay sharaxaad ka bixiso xariga Mukhtaar Roobow iyo dad ku dhintay rabshado ka dhashay markii lasoo xiray ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab.

Ingiriiska, Germany iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay ceyrinta Haysom, kaasi oo Xoghayaha guud ee UN-ka go’aan ku gaarey inuu bedalo markii lagu eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha ee dalka.

Roobow, oo la fahansan yahay in kasoo badbaadintiisa dhulka ay maamusho Al-Shabaab inay ka shaqeeyeen dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa ahaa musharaxii ugu cad-cadaa doorashada Koonfur Galbeed ee sanadkii hore.

Villa Soomaaliya oo dooneysa inuu cod-bixinta kusoo baxo Musharax ay iyadda taageereyso ayaa soo xirtay Afhayeenkii hore ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, taasi oo ay kala kulantay dhaleecayn caalami ah.

Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] oo ay dowladdu wadatay ayaa ku guuleystay doorashadda wareegii 1aad, isaga oo lagu waddo in la caleemosaaro 16-ka bishaan Janaayo 2019, ayna kasoo muuqdaan madax badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM