Wariyayaasha SSC-Khaatumo oo la faray in aysan la shqeyn Tv-yada Somaliland

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Ururka ًWarbaahinta SSC-Khaatumo ayaa soo saaray bayaan ay ka mamnuucayaan suxufiyiinta SSC-Khaatumo inay ka shaqeeyaan TV-yada Somaliland, iyaga oo ku sababeeyay inay ka baxeen “anshaxii Saxaafadda” sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ururka ayaa lagu yiri:

“Waxaan ku wargelineena dhamaan wariyeyaasha inaysan ka howlgeli karin Tv-yada laga leeyahay Somaliland ka dib markii ay ka baxeen anshaxii saxaafadda, si badheedh ahna ula safteen maamulkooda.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in TV-yada Somaliland aysan dhex dhexaad ahayn, balse maamulka Somaliland uu u adeegsado faafinta wararka iyo dacaayadaha.

Ururka ayaa ku eedeeyay Tv-yada Somaliland in ay la dagaalamayaan shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo, kadib markii ay dafireen maamulka.

Ururka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay warbaahinada SSC-Khaatumo in wax wada shaqeyn ah dhex marin Somaliland, maadaama aysan waafaqsaneen siyaasada maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM