Wariye maxkamad loosoo teegay dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya waxaa maanta la horgeeyay Maxamed Cabdiwahaab Maxamed [Abuuja], oo kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaala madaxda Muqdisho.

Abuuja oo ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ay xabsi u taxaabeen 6-dii May, sanadkii 2019 ayaa loo haystaa dilka Baxsaney Cabdulle Boolaay oo ka dhacay degmadda Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dhageysigii Isniinta maanta ah oo ahaa fadhigii ugu dambeeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelkiisa iyo xubno ka tirsan ururada warbaahinta.

Dacwad-oogeyaasha oo ku adkeystay in Abuuja uu ku lug-lahaa falkaas ayaa la yimid marqaatiyaal ay ku jiraan saraakiil – Midkoodna si toos uma caddeyn, marka laga reebo mid ay jawaabihiisu is-burinayeen.

Xafiiska xeer-ilaalinta oo difaacay doodiisa ayaa ka codsaday garsooreyaasha in ay go'aan ku gaaraan caddeymaha "kala dhiman" ee ay horgeeyeen.

Qareenadda oo aan ku qancin caddeymaha ayaa xusay in aysan jirin tilmaamo sax ah oo muujinaya in Abuuja uu dambiga galay, iyagoo codsaday in xorriyadiisa dib loo siiyo saxafigan madaxa-banaan.

Wariye Abuuja oo khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo hogaanka amniga degmada Shibis oo ehelkiisa ay degan yihiin ayaa dhowr jeer iska fogeeyay eedeymaha, isagoo cadaalad la rajeeyay maxkamadda.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee lagu dhibaateeyo wariyeyaasha marka ay tooshka ku ifiyaan khaladaadka mas'uuliyiinta aanan u dulqaadan dhaliisha isla markaana oo u adeegsa awood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM