Warqad laga faafiyay bedqabka hawada Soomaaliya oo la beeniyay

Image
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa dadweynaha ku waanisay in ay ka fogaadaan faafinta warqadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu faafiyay baraha bulshadda taas oo sheegeysay in Somaliland ay khalkhal-gelisay isticmaalka hawada.

Warqadaas la beeniyay ayaa waxay muujinaysay in ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee, qoraal kale oo kasoo baxay isla hay'addan ayaa looga digay dadweynaha in ay sii faafiyaan.

"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, inay tahay been abuur warqada halkan ku jirta, iyadoo uga digeysa cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka been abuurka ah," ayay tiri.

Hay'adda ayaa intaas ku dartay: "Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay oggaadaan dhacdooyinka habboon, sidaa darteed warsaxaafadeed kasta oo aan lagu baahin baraha Hay’adda waa mid been abuur ah".

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegatay in ay khalkhal-gelisay isticmaalka hawada Soomaaliya taas badalkeedna ay uga aargudaneysay xayiraadaha ay Muqdisho kusoo rogtay hawadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM