Warsame oo mar kale ka digay "boobka' doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Boobka doorashada waxay horseedaa guuldaro balse in qofka loo diido tartamid waxay dhalisaa ciil iyo falcelin xun, sida uu ka digay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cod dheer wuxuu ku dalbadey in laga feejignaado qabashadda doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in masraxa doorashadda u furnaado dhamaan musharaxiinta.

Hoos ka akhriso qoraalka


Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo.

Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.

Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan.

Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”



Musharaxiinta madaxwaynaha Soomaaliya ayaa horay gadood uga muujiyey doorashadda ka bilaabatay waddanka waxayna ku sifeeyeen mid ay boobayaan madaxda maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM