Warsame oo mar kale ka digay "boobka' doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Boobka doorashada waxay horseedaa guuldaro balse in qofka loo diido tartamid waxay dhalisaa ciil iyo falcelin xun, sida uu ka digay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cod dheer wuxuu ku dalbadey in laga feejignaado qabashadda doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in masraxa doorashadda u furnaado dhamaan musharaxiinta.

Hoos ka akhriso qoraalka


Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo.

Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.

Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan.

Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”



Musharaxiinta madaxwaynaha Soomaaliya ayaa horay gadood uga muujiyey doorashadda ka bilaabatay waddanka waxayna ku sifeeyeen mid ay boobayaan madaxda maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM