Warsame: Farmaajo doorashada in la toosiyo ma oggola

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Farmaajo ayaa marna diyaar uma ahan in la saxo daldalooda doorashooyinka, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa ku booriyey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble in uu sii dardargeliyo fulinta hanaan la isla ogol-yahay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Farmaajo wuxuu maalmahan ku hawlanyahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah  RW Rooble. Mar wuxuu ka hadashiiyey nin dhiirran oo isagoo garaaddihii ciidanka xiran Raysalwasiirihii Aflagaaddo ku dhoobay.

Wuxuu soo abaabulay guddiga doorashada, isagoo diiddan in la beddelo xubnihii guddiga xallinta khilaafaadka. Waxaa xigay shirkii dhoollatuska ahaa ee saraakiisha ciidanka iyo waddooyinkii la xiray, si loo baajiyo shirkii Golaha wasiirrada. Waxaa intaas dheer dacaayadda ay CBB baraha bulshada ka wadaan ee Rooble ku wajahan.

Waxaa xusuus mudan in Saadaq John markii uu muddo kororsiga ka hor yimid uu Farmaajo garaadihii ka xayuubiyey, weerarna ku qaaday, laakiin uu hadda leeyahay “wiilka taliyaha ah lama taaban karo”. Waxaanse la yaabay markaan arkay madax iyo saraakiil ciidan oo kuwii Rooble la xijiniyey ah oo gumayntiisa u durbaan tumaya ama ka aamusan.

Farmaajo doorashada in la toosiyo ma oggola, shirka looga hadlayo in la saxana wuu diidanyahay, wuxuuse garab ka haystaa inta diiddan in doorashada la saxo.

Rooble waxaan leeyahay sharciyad ayaad haysataa, taageerada shacabkana waxaad ku helaysaa in aad doorashada saxdo, dalkana halista Farmaajo iyo kooxdiisa ka badbaadiso.

Ha ka leexan waddada dhiirranaanta iyo ku dhaca, hana sugin inta yadda ama dhirbaaxyada kale kugu dhacayso, ha niyad jebin shacabka, oo mar kale taageeradooda ha lumin.


Doorashadda kuraasta Golaha Shacabka ayaa ku bilaabatay hanaan ay si weyn u dureen mucaaradka kuwaasoo dalbadey hakinta geedi-socodka illaa laga saxayo khaldaadka ay kamid tahay boob iyo is-dabamarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM