CCW: Farmaajo waa nin quustay oo aag cidla ah ka diriraya

Image
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu carqalad ku yahay cadaalad ay u hesho Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaadey Farmaajo waa nin quustay oo kaligiis aag cidla ah ka diriraya, sida uu sheegay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu carqalad ku yahay cadaalad ay u hesho Ikraan Tahliil Faarax.

Warsame ayaa intaas ku daraya in talaabooyinka Farmaajo xilalka ugu magacaabay Fahad iyo Yaasiin Farey ay kasoo horjeedaa baaqii qoyska Ikraan iyo Beesha Caalamka ee ahaa in si daahfuran loo baaro kiiska.

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame

Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa.

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah.

Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan.

Tallaabooyinka Farmaajo qaaday waxay liddi ku yihiin fariintii ay soo dirtay Hooyo Qaali Guhaad, Beesha ay ka dhalatay Ikraan, iyo shacabka Soomaaliyeed ee cadaaladda jecel.

Waxay kaloo liddi ku tahay baaqii shalay ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku sheegeen in aan xiisadda taagan looga sii derin, kiiska Ikraanna si hufnaan leh loo baaro, isla-markaaana hogggaanka doorashooyinka looga danbeeyo RW Rooble.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa madaxda dawlad Goboleedyada, saraakiisha amniga iyo siyaasiyiinta rajada ama cabsida ka qaba in ay Farmaajo iyo Fahad awood la soo noqdaan, in ay indhaha kala furaan. Farmaajo waa nin quustay oo kaligiis aag cidla ah ka diriraya, ruux kasta oo doonta degaysa sii saarnaadana wuu la quusayaa.


Qadiyada Ikraan Tahliil Faarax ayaa noqotay mid heer qaran ah. Mugdi badan ayaa ku gadaaman qaabka loo afduubay. Su'aalaha ku xeeran kiiskeeda waxaa ugu waaweyn sidee loogala baxay gurigeeda halkeese la geeyay?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM