Warsame oo baaq kasoo saarey askarta "lagu laayey" Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag wuxuu uga hadlay askarta Soomaalida ah ee la sheegay in laga qeyb-geliyey dagaalkii gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa baaq u diray dhinacyada ay taabaneyso qadiyaddan.

Warsiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay "khiyaano qaran" tahay arrintaan, wuxuuna soo jeediyey in lagu cadaadiyo dowladda in ay dib u soo celiso dhalinyaradda ay tababarka u daabushay waddanka Eirtrea.

"Waxaa soo xoogeysanaya walwalka iyo walaaca laga qabo, gaar ahaan waalidka masiirka dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qaaday. Waxaa soo baxaya xog ah in qaarkood loo adeegsaday dagaalka ka socda Gobolka Tigreega. Waalidiinta wiilashooda maqanyihiin waa in ay is urursadaan oo ay si wadajir Dowladda uga dalbadaan in ay ubadkoodii u soo celiso," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Guddoonka iyo Guddiyada difaaca labada aqal ee Baarlamaanka waa in ay hawshan u istaagaan, baaritaanna ku sameeyaan, lana kulmaan waalidiinta wiilashoodu maqan yihiin".

"Xisbiyada siyaasadda, murashaxiinta, warbaahinta, bulshada rayidka ah iyo odayaashii damiinka ka ahaa wiilasha waa in ay dowladda ku cadaadiyaan in ay dalka dib ugu soo celiso dhallinyaradaas inta nool, qancisana waalidiinta ubadkoodu maqanyahay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Ma jirto khiyaanno qaran oo ka weyn, haddii ay dhab noqoto in wiilal Soomaaliyeed sidii xaabadii oo kale loogu shiday dagaal ahli ah oo dowlado shisheeye ka dhex socda, waana in lagula xisaabtamo madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee hawshaas ku lug yeelata".

Askarta Soomaalida ah ee ku naf-weyday dagaalkii Tigray ayaa dhan boqolaal, waxaana jira qaar kale oo dhaawac ahaan u jiifa isbitaalo ku yaala gudaha Itoobiya iyo Eritrea, sidda uu sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliyihii hore ee NISA.

Guuleed oo soo xigtay illo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in wadarta askarta Soomaalida ee laga howlgeliyey jiida hore ee dagaalka Tigray ay tahay guuto iyo bar – taasoo la macno tahay in ka badan laba kun.

Villa Soomaaliya ayaan ka jawaabin dalabyo la doonayey in wax looga waydiiyo qadiyadan. Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa soo baxayay in socdaal daaran qadiyaddan ay Muqdisho yimaadeen wafuud ka kala socotay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM