Warsame oo cambaareeyay ciidanka la geeyay Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay talaabada ay dowladda federaalka ah ciidamadda uga dejisay magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa xusay in talaabadan ay "caddeyneyso in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay doorashooyin boob ah" arrintaas oo daneeyeyaasha ka digeen.

Wasiikii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku eedeeyay Farmaajo "in uu diidan yahay wadahadal iyo is-faham laga gaaro khilaafka doorashada".

"Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah," ayuu soo qoray.

Wuxuu ku daray: "Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka".

"Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay musharaxa madaxweyne.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan".

Talaabada ciidamadda lagu geeyay Beledwayne ayaa timid markii hogaanka dowlada federaalka iyo maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle isla qaateen in ay qabtaan doorasho hal dhinac ah.

Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqan heshiiskaas – kuwaas oo tabashooyin ka qaba heshiiskii 17-kii September – kaasoo xeerinaya laba degaan doorasho, 101 ergo doorasho iyo geedi u socod loowada dhan-yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn ugu ololeeyay in waddanka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn kana maqan yihiin Puntland iyo Jubaland – qorshahaas "oo horseedaya cawaaqib culus iyo kala tag horleh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM