Warsame oo dhaliilay dhaqan cusub uu Rooble lasoo shir-tagay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka gaabiyey mas'uuliyadiisa doorashadda, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka dhexdooda aysan ka dhex-jirin wada-shaqeyn, kan khilaafaad xalintana uu kaliya magac ahaan u taagan yahay.

"Meesha ay dhibaatadda ka jirtaa waxay tahay ra'iisul wasaarihii wuxuu noqdey dhaqankiisa waan u gudbinayaa guddiga doorashadda, waan la hadlayaa madaxda maamuladda halkaas ayay la dhaafi wayday," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Annaga waxaan u haysanaa in mas'uuliyadiisa ay intaas ka badan tahay. Awoodiisana uu isticmaalo in ay tahay ayaan aaminsanahay. Intaasna ma ahan waxa ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in dalka aysan ka socon doorasho balse ay ka jirto "boob" arrintaas oo uu xusay in ay dhabaha u xaari karto colaad sokeeye iyo "in gacanta la iskula tago".

"Haddii waxa socdaa ay boob qaawan yihiin, cid wax ka qabanaysaana jirin, natiijada ka dhalanaysana loo wada jeedo, dalkana ay masuuliyad naga saaran tahay, ma aha in aan ku fiirsano," ayuu hoosta ka xariiqay.

Musharaxiinta madaxtinimadda oo qaadacay doorashadda haatan bilaabatay ayaa olole ballaaran waxay ugu jiraan in ay la sameeyo gole ku meelgaar badbaado qaran ah kaasoo dalka muddo laba sano ah uga qabta doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM