Warsame oo dhaliilay dhaqan cusub uu Rooble lasoo shir-tagay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka gaabiyey mas'uuliyadiisa doorashadda, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka dhexdooda aysan ka dhex-jirin wada-shaqeyn, kan khilaafaad xalintana uu kaliya magac ahaan u taagan yahay.

"Meesha ay dhibaatadda ka jirtaa waxay tahay ra'iisul wasaarihii wuxuu noqdey dhaqankiisa waan u gudbinayaa guddiga doorashadda, waan la hadlayaa madaxda maamuladda halkaas ayay la dhaafi wayday," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Annaga waxaan u haysanaa in mas'uuliyadiisa ay intaas ka badan tahay. Awoodiisana uu isticmaalo in ay tahay ayaan aaminsanahay. Intaasna ma ahan waxa ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in dalka aysan ka socon doorasho balse ay ka jirto "boob" arrintaas oo uu xusay in ay dhabaha u xaari karto colaad sokeeye iyo "in gacanta la iskula tago".

"Haddii waxa socdaa ay boob qaawan yihiin, cid wax ka qabanaysaana jirin, natiijada ka dhalanaysana loo wada jeedo, dalkana ay masuuliyad naga saaran tahay, ma aha in aan ku fiirsano," ayuu hoosta ka xariiqay.

Musharaxiinta madaxtinimadda oo qaadacay doorashadda haatan bilaabatay ayaa olole ballaaran waxay ugu jiraan in ay la sameeyo gole ku meelgaar badbaado qaran ah kaasoo dalka muddo laba sano ah uga qabta doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM