Warsame oo digniin la xiriirta banaanbaxa u diray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa uga digay taliska Farmaajo ee muddo xileedkiisa dhamaadey "in uu isbaaro u dhigto banaanbaxa Jimcaha".

Warsame ayaa warbaahinta u waramay waxyar kadib markii Midowga Musharaxiinta ay booqdeen fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Muqdisho halkaas oo isu-soo-baxa lagu waddo in uu ku qabsoomo maalinta berri.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in mudaaraadka uu qabsoomi doono isla markaana ay ugu diyaar-garoobeen "sidda ugu wanaagsan".

Dadweynaha gaar ahaan dhalinyaradda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay kasoo qeybgalaan mudaaharaadka isla markaana ay codkooda ka dhanka ah dowladda Farmaajo ku muujiyaan halkaas.

Ciidamadda ayuu si gaar ah ugu wargeliyey in dowladda Farmaajo uu waqtiga ka dhamaadey isla markaana aysan haatan lahayn awood ay amar ku siiso isaga oo ku waaniyey "in aan siyaasad loo adeegsan".

Madaxweyne Farmaajo ayuu si gooni ah ula dardaarmay in uusan ku dhaqaaqin talaabo ka dhan ah banaanbaxa isla markaana isku dayin in uu is-hor-taag ku sameeyo qabsoomida dibad-baxa aadka loo dhowrayo.

"Waxaan ugu baaqeynaa taliska muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee uu hogaamiyo Farmaajo in uu ka waantoobo wax kasta oo uu ku carqaladeynayo banaanbaxa berri oo ah mid taariikhi ah," ayuu tibaaxay.

Mudaaharaadka loo balansan-yahay inuu qabsoomo maalinta berri ah waxaa la filayaa inta badan ay mas'uuliyiinta ka hadli doonto diiradda saaraan doorashooyinka iyo in ay noqdaan kuwa loo dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM