Warsame oo digniin la xiriirta banaanbaxa u diray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa uga digay taliska Farmaajo ee muddo xileedkiisa dhamaadey "in uu isbaaro u dhigto banaanbaxa Jimcaha".

Warsame ayaa warbaahinta u waramay waxyar kadib markii Midowga Musharaxiinta ay booqdeen fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Muqdisho halkaas oo isu-soo-baxa lagu waddo in uu ku qabsoomo maalinta berri.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in mudaaraadka uu qabsoomi doono isla markaana ay ugu diyaar-garoobeen "sidda ugu wanaagsan".

Dadweynaha gaar ahaan dhalinyaradda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay kasoo qeybgalaan mudaaharaadka isla markaana ay codkooda ka dhanka ah dowladda Farmaajo ku muujiyaan halkaas.

Ciidamadda ayuu si gaar ah ugu wargeliyey in dowladda Farmaajo uu waqtiga ka dhamaadey isla markaana aysan haatan lahayn awood ay amar ku siiso isaga oo ku waaniyey "in aan siyaasad loo adeegsan".

Madaxweyne Farmaajo ayuu si gooni ah ula dardaarmay in uusan ku dhaqaaqin talaabo ka dhan ah banaanbaxa isla markaana isku dayin in uu is-hor-taag ku sameeyo qabsoomida dibad-baxa aadka loo dhowrayo.

"Waxaan ugu baaqeynaa taliska muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee uu hogaamiyo Farmaajo in uu ka waantoobo wax kasta oo uu ku carqaladeynayo banaanbaxa berri oo ah mid taariikhi ah," ayuu tibaaxay.

Mudaaharaadka loo balansan-yahay inuu qabsoomo maalinta berri ah waxaa la filayaa inta badan ay mas'uuliyiinta ka hadli doonto diiradda saaraan doorashooyinka iyo in ay noqdaan kuwa loo dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM