Warsame oo si adag u duray hadal-jeedintii Farmaajo

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayuu ku waaniyey in aan lagu duufsan "hadalada dabacsan" ee ku jiray khudbadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadal-jeedintii madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uga hadlay xaalada dalka waxay iftiimisay in aan la rumeysan karin hadalkiisa, sidda u sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa xusay in Farmaajo uu isku dayo in uu "iibsado waqti uu ku aargoosto".

Sida laga soo xigtay Warsame, ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waxaa muhiim ah in aan lagu duufsan "hadalada dabacsan" ee ku jiray khudbadii ku dhowaad sagaalka daqiiqo ahayd ee Farmaajo.

"Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ficilkiisa ayaa naga diidaya in aan hadalkiisa aaminno. Qaran iyo dowladnimo wax uga xun ma laha hoggaamiye aan qowl lahayn. Nabigeena suuban (NNKH) wuxuu yiri Hoggaamiyuhu dadkiisa been uma sheego'" ayuu yiri Warsame.

Dadka Soomaaliyeed ayuu cod dheer uga baaqay in ay meel uga soo wadajeestaan Farmaajo isla markaana ay ku garab istaagaan Rooble sidii uu waddanka uga saari lahaa "mar-xaladda xasaasiga ah uu ku jiro".

"Sidaas daraadeed ayaa waxaan rabnaa in aan u jeesano doorasho. Gacanna doorasho aan ku aadno. Gacanna shirqoolkiisa iyo makrigiisa aan isaga ilaalino si dalka aan xaaladan xasaasiga ah uga gudbino," ayuu kusoo xiray.

Farmaajo ayaa xalay wuxuu taageeray go'aanadii shirka golaha wadatashiga qaranka. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay madaxda maamuladda in ay dhaqan-geliyaan "qodobadda cad-cad ee ku jiray bayaanka iyo jadwalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM