Warsame oo si adag u duray hadal-jeedintii Farmaajo

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayuu ku waaniyey in aan lagu duufsan "hadalada dabacsan" ee ku jiray khudbadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadal-jeedintii madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uga hadlay xaalada dalka waxay iftiimisay in aan la rumeysan karin hadalkiisa, sidda u sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa xusay in Farmaajo uu isku dayo in uu "iibsado waqti uu ku aargoosto".

Sida laga soo xigtay Warsame, ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waxaa muhiim ah in aan lagu duufsan "hadalada dabacsan" ee ku jiray khudbadii ku dhowaad sagaalka daqiiqo ahayd ee Farmaajo.

"Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ficilkiisa ayaa naga diidaya in aan hadalkiisa aaminno. Qaran iyo dowladnimo wax uga xun ma laha hoggaamiye aan qowl lahayn. Nabigeena suuban (NNKH) wuxuu yiri Hoggaamiyuhu dadkiisa been uma sheego'" ayuu yiri Warsame.

Dadka Soomaaliyeed ayuu cod dheer uga baaqay in ay meel uga soo wadajeestaan Farmaajo isla markaana ay ku garab istaagaan Rooble sidii uu waddanka uga saari lahaa "mar-xaladda xasaasiga ah uu ku jiro".

"Sidaas daraadeed ayaa waxaan rabnaa in aan u jeesano doorasho. Gacanna doorasho aan ku aadno. Gacanna shirqoolkiisa iyo makrigiisa aan isaga ilaalino si dalka aan xaaladan xasaasiga ah uga gudbino," ayuu kusoo xiray.

Farmaajo ayaa xalay wuxuu taageeray go'aanadii shirka golaha wadatashiga qaranka. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay madaxda maamuladda in ay dhaqan-geliyaan "qodobadda cad-cad ee ku jiray bayaanka iyo jadwalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM