Warsame oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Jimcadda maanta ah wuxuu weerar dhanka afka ah ku qaadey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu munaasabado dhowr ah "uga baaqdey cabsi amni awadeed".

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa is-waydiiyey sababta Farmaajo u goobayo dib-u-doorasho hadii la hadalka dadweynaha "uga baqayo cabsi ammaan".

"Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey. Madaxweynuhu markii uu xilka la wareegay wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu Al-Shabaab dalka laba sano uga xoreynayo, maantana xayndaabkii Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay," ayuu soo qoray.

Warsame ayaa ku daray "Haddaba haddii madaxweynihii uu fagaarayaashii ka cabsaday, horeyna uu golayaashii doodaha kaga maagay, halkii mar uu dadka hor yimidna uu su’aalihii way adagyihiin iyo hebel waydiiya kaga baxay, maxay tahay sababta uu mar kale hoggaanka dalka u doonayo? oo uu weliba doorasho boob ah oo dalka fidno u horseedaysa ugu durbaan tumayaa?".

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa waxaa uga hartay wax ka yar bil. Dhamaadka waqtiga madaxweynaha ayaa imaaneysa xilli aan wali wada ogol laga gaarin habraaca doorashooyinka sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM