Warsame oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Jimcadda maanta ah wuxuu weerar dhanka afka ah ku qaadey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu munaasabado dhowr ah "uga baaqdey cabsi amni awadeed".

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa is-waydiiyey sababta Farmaajo u goobayo dib-u-doorasho hadii la hadalka dadweynaha "uga baqayo cabsi ammaan".

"Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey. Madaxweynuhu markii uu xilka la wareegay wuxuu shacabka u ballan qaaday in uu Al-Shabaab dalka laba sano uga xoreynayo, maantana xayndaabkii Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay," ayuu soo qoray.

Warsame ayaa ku daray "Haddaba haddii madaxweynihii uu fagaarayaashii ka cabsaday, horeyna uu golayaashii doodaha kaga maagay, halkii mar uu dadka hor yimidna uu su’aalihii way adagyihiin iyo hebel waydiiya kaga baxay, maxay tahay sababta uu mar kale hoggaanka dalka u doonayo? oo uu weliba doorasho boob ah oo dalka fidno u horseedaysa ugu durbaan tumayaa?".

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa waxaa uga hartay wax ka yar bil. Dhamaadka waqtiga madaxweynaha ayaa imaaneysa xilli aan wali wada ogol laga gaarin habraaca doorashooyinka sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM