Sidee kiiska Ikraan "u kashifay xiriirka" NISA iyo Al-Shabaab?

Image
Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa duray sheegashada NISA ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaqa kasoo yeeray hay'ada NISA ee la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax wuxuu caddeyn u yahay wadashaqeynta kala dhaxeysa ururka Al-Shabaab, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa si adag wuxuu u naqdiyey sheegashada la xiriirta in Al-Shabaab ay dishay haweenayda.

Sida laga soo xigtey Warsame oo si weyn u dhaliila taliska Farmaajo, waxaanan "maangal ahayn in in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo".

"Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay," ayuu yiri.

Warsame oo horey u soo noqdey wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa aaminsan in "in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado".

"Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin Facebook lagu soo daabacay," ayuu xusay.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayuu cod dheer ugu baaqay in uu soo farageliyo kiiskan isla markaana uu xil ka qaadis ku sameeyo Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha mukhaabaraadka Soomaaliya.

"Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble," ayuu tibaaxay.

Afar qodob ayuu kula taliyey oo kala ah; 1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil. 2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.  3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo. 4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.

"Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Warsame.

Ikraan oo la waayey 26/6/2021 ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM