Warsame: Waa in wadajir looga hortago dhagarta Farmaajo

Image
Musharaxa madaxwayne ayaa soo jeediyey shan qodob oo lagu wajihi karo "sharta" hogaamiyaha waqtigu ka dhacay. [Photo: Mohamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa wuxuu soo bandhigay shan qodob.

Sida uu ka dhawaajiyey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, afartan qodob waxay yihiin qaabka kaliya ee looga hortagi karo in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukunka xoog kusii joogo.

Warsame oo xubin ka ah Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn ugu ololeynaya in saamileyda siyaasadda iyo shacabka ay si wadajir ah isaga caabiyaan talaabooyinka ka dhanka ah Farmaajo.

Shanta qodob waxay kala yihiin;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Farmaajo ayaa xalay wuxuu iclaamiyey shir "dhab loogu jihaynayo doorashadda" isaga oo u cuksadey in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu ku guuldareystay in qabashadda doorashooyinka dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM