Wasaaradda Deegaanka oo amar ka soo saartay bacaha halka mar la isticmaalo

Image
Go'aanku wuxuu mamnuucayaa soo dejinta bacaha halka mar la isticmaalo iyo in laga adeeegsado dalka oo dhan.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha halista ku ah deegaanka.

Go'aanku wuxuu mamnuucayaa soo dejinta bacaha halka mar la isticmaalo iyo in laga adeeegsado dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale amartay in gebi ahaanba la joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha laga bilaabo Juun 30, 2024.

Wasaaraddu, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxay ku dhiirigelisay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay raadiyaan beddelka bacaha oo aan waxyeello u geysanayn deegaanka.

Waxaa sidoo kale wareegtada wasaaradda lagu sheegay: “Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM