Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in aysan aqoonsaneen urur Waxbarshao

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku xaqiijisay in aysan aqoonsaneyn urur lagu magacaabo Federation of Somali Universities (FSU).

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: “Waxaan uga digaynaa dhammaan jaamacadaha dalka iyo bahda waxbarashada inay la shaqeeyaan Federation of Somali Universities (FSU).

Dhinaca kale, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) uu yahay midka kaliya ee ay aqoonsan tahay, ayna ku jiraan inta badan Jaamacadaha dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa uga digtay Federation of Somali Universities (FSU) in ay ku shaqeeyaan wax la xiriira waxbarashada iyadoo aan fasax loo haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM