Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in aysan aqoonsaneen urur Waxbarshao

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku xaqiijisay in aysan aqoonsaneyn urur lagu magacaabo Federation of Somali Universities (FSU).

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: “Waxaan uga digaynaa dhammaan jaamacadaha dalka iyo bahda waxbarashada inay la shaqeeyaan Federation of Somali Universities (FSU).

Dhinaca kale, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) uu yahay midka kaliya ee ay aqoonsan tahay, ayna ku jiraan inta badan Jaamacadaha dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa uga digtay Federation of Somali Universities (FSU) in ay ku shaqeeyaan wax la xiriira waxbarashada iyadoo aan fasax loo haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM