Wasiir Bayle oo u hanjabay Shirkado diiday bixinta Canshuurta

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa digniin culus hawada u mariyay shirkado gaaraya 20, kuwaasi oo uu daboolka ka qaaday in ay gabi ahaanba ka goos-adeegayaan bixinta canshuurta xaqa loogu leeyahay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo aanan magac-dhabin shirkadahaasi, oo uu tibaaxay in ay yihiin kuwa ugu waaweyn dalka, ayaa ugu goodiyay in hadii ay bixin waayaan canshuurta ay albaabada isugu dhufanayaa xarumahooda.

"Tan iyo markii aan nimid, 20 shirkadood oo kuwa dalka ugu waawayn ah ayaa diiday in na siiyaan canshuurta, 10 kale ee aan ka qadaano, madaxa ayey noo saaran yihiin," ayuu wariyaasha u sheegay Bayle, maanta oo Khamiis ah.

Mr Bayle ayaa intaasi ku daray in shirkadaha ay haatan kula jiraan wadahadalo, isaga oo ku adkeystay in aanu meelna uga leexan doonin mowqifkooda ah in shirkadaha ay dowladdu siiyaan canshuurta.

"Ma idin magacaabayo…iska bixiya canshuurta, hadii aad bixin waydaa wadahadalka kadib, waa idin magacaabeynaa, mana sii shaqeysaneysaa, sharciga ayaana ku kala baxeynaa," ayuu hadalkiisu daba dhigay wasiirka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in wasaarada iyo shirkadaha ay isku hayaan cadadka lacagaha lagu soo rogay, taasi oo ganacsatada ay ku doodayaan in ay ku badan tahay, iyaga oo codsanaya in laga yeero.

"Canshuurta bixiya, marka aad na siisaa nagula xisaabtama halka aan ku bixinay, diyaar ayaanu idinla nahay," ayuu raaciyey wasiirka Maaliyada. "In qaar laga qaado, kuwa kalena aysan bixin waa cadaalo daro," ayuu ku daray.

Dakhliga dowlada soo gala bishii ayuu sheegaya inuu haatan yahay 14 milyan oo dollar, isaga oo raaciyay in loo baahan 20-milyan, si 8-da million ee dheeriga ah mushaar looga dhigo ciidamada xooga.

Ugu dambeyntii, bisha Maarso ee sanadkaan ayuu daaha ka rogay in magaalada Washington ee caasimada Mareykanka lagu qabanayo shir lagu soo afjaro geedi u-socodka deyn cafiska ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM