Wasiir Cabdirashiid Janan oo doon ku tegay magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, ayaa gaaray Kismaayo, sidda uu baahiyey Talafishinka ku hadla afka dowlad goboleedkaas.

Janan oo ay la socdeen xubno dhowr ah ayaa lagu waramay in ay doon ka dejisay dekada magaalo madaxda ku meel gaarka maamulkaas.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in loo galbiyey dhanka Madaxtooyadda, halkaasoo qorshuhu yahay in uu kula hadlo warbaahinta madaxa banaan.

28-kii Janaayo, 2020, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsaday xabsi ku yaala nawaaxiga xarunta hay'adda nabad-sugida iyo sirdonka Qaranka NISA.

Bishii August, 2019, Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ka yimid Doolow kuna soo jeeday Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

Jubaland oo xarigiisa ku tilmaamtay "mid sharci darro ah iyo afduub" ayaa dalbatay in sidda ugu dhaqsiyaha badan uu xorriyadiisa dib ugu helo.

Bishii October, 2019 ayuu kasoo muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir, taasoo sharciyeysay in xabsiga lagu sii hayo.

Sikastaba ha ahaatee, qabashadda Janan ayaa holac kusii shiday khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Jubaland oo ka dhashay doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM