Wasiir Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweeyay Beledxaawo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan], ayaa maanta oo Talaado ah lagu soo dhaweeyay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wallow aan la ogayn ujeedka safarkiisa, Janan oo kasoo kicitamay waddanka Kenya waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay maamulka iyo bulshadda, kuwaasoo si diiran u qaabilay Wasiirka.

Talafishinka ku hadla afka Jubaland ayaa sheegay in Janan uu la hadli doono saxaafadda isla markaana uu ka warbixin doono qabashadiisa iyo mudadii uu u xirnaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalab ka dhan ah mas'uulka loo gudbiyey Kenya. Hay'adda Amneysta waxay codsatay in la qabto Janan isla markaana loo gacan-geliyo Dowladda Soomaaliya.

Hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay "in aysan caqli gal ahayn" in Janan uu ka baxsado cadaaladda "maadaama lagu tuhunsan yahay dambiyo culus".

Xukuumadda Muqdisho ayay ku boorisay in isla markiiba uu soo galo gacanteeda ay maxkamadeyntiisa ka dhigto mid daahfuran oo aanan marnaba dib loo dhigin.

Bishii August 2019, Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ka yimid Doolow kuna sii jeeday caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

28-kii Janaayo 2020, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsadey goobtii uu ku xirnaa oo ku dhow xarunta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya.

31-kii Janaayo 2020, maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyey in Janan uu doon ku tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna isla maalintaas uu diyaarad qaas ah ugu soo gudbay Kenya "si lo hubiyo caafimaadkiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM