Wasiir Cali Xoosh oo kormeeray xarunta Hay’adda SODMA

Image
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo dhaweeyay wafdiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Cabdixakiim Ashkir iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kulan soo dhaweyn is-barasho iyo kormeer ah maanta loogu sameeyay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenkiisa Dr. Axmed Cabdi Aadan, la-taliyayaal iyo madax kale oo hay’adda ka tirsan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wasiirka, xilli uu kulanka qeyb ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Koofur Galbeed, Cabdullaahi Isxaaq Ganey.

Cali Xoosh ayaa lala wadaagay xogta guud ee hay’adda SoDMA, sida sharciyada ay ku dhisan tahay, waaxaha kala duwan, waxqabadyada hirgalay, gaabiska jira, caqabadaha hay’adda wajahay iyo si guud dadaallada bani’aadannimo ee hay’aadda Maareynta Musiibooyinka udub-dhexaadka u tahay.

Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay howsha adag ee hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoggaanka iyo howl-wadeennada SoDMA ku bogaadiyay dadaalka qaran oo ay ugu jiraan sidii dalkeenu uga gudbi lahaa gacan hoorsiga, uguna tallaabi lahaa isku filnaansho iyo sida ay ugu heellan yihiin ka jawaabista howlaha bani’aadannimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM