Wasiir Cawad: Badda Soomaaliya waxaa la qiray in sun lagu daadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo u waramay Talafishinka Qaranka ayaa shaaciyey "in baddeena la qiray in sun lagu daadiyey".

Cawad ayaanan carabaabin halka uu kasoo xigtay warkaas saameynta leh iyo cidda mas'uulka ka ah fal-dambiyeedkaas.

Dhawaqaan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo dhowaan qeybo kamid ah xeebaha magaaladda Muqdisho ay kusoo caariyeen kaluun badan.

Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto arrintaas.

Ma cadda hadii erayadda Cawad uu la xiriiro natiijadda baaritaankaas, wallow hadalheyn noocaas ay jirtay tan iyo markii xeebaha dalka ay kasoo ifbaxeen burcad-badeeda.

Biyaha Soomaaliya oo ay ilaaliyaan maraakiib shisheeye ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda iyo xadgudubyo.

Dhanka kale, diblumaasiga ugu sareeya Soomaaliya ayaa tibaaxay in ay wax ka qaban doonan tabashooyinka ka dhanka ah safaaradaha dibada.

"Safaaraduhu waxay u sameysan yihiin in ay u adeegaan dadka Soomaaliyeed, cabasho way imaan kartaa, laakiin mararka qaarkii dadku waxay dalbadaan waxa aysan awoodi karin safaaradu," ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Cawad oo isbarbardhigay xiriirka dowladda la leedahay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa qiray in ay Riyadh aad ugu dhow yihiin, wallow uu rajeeyay in cilaaqaadka Abu Dubai uu soo kobco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM