Wasiir Cawad: Badda Soomaaliya waxaa la qiray in sun lagu daadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo u waramay Talafishinka Qaranka ayaa shaaciyey "in baddeena la qiray in sun lagu daadiyey".

Cawad ayaanan carabaabin halka uu kasoo xigtay warkaas saameynta leh iyo cidda mas'uulka ka ah fal-dambiyeedkaas.

Dhawaqaan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo dhowaan qeybo kamid ah xeebaha magaaladda Muqdisho ay kusoo caariyeen kaluun badan.

Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto arrintaas.

Ma cadda hadii erayadda Cawad uu la xiriiro natiijadda baaritaankaas, wallow hadalheyn noocaas ay jirtay tan iyo markii xeebaha dalka ay kasoo ifbaxeen burcad-badeeda.

Biyaha Soomaaliya oo ay ilaaliyaan maraakiib shisheeye ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda iyo xadgudubyo.

Dhanka kale, diblumaasiga ugu sareeya Soomaaliya ayaa tibaaxay in ay wax ka qaban doonan tabashooyinka ka dhanka ah safaaradaha dibada.

"Safaaraduhu waxay u sameysan yihiin in ay u adeegaan dadka Soomaaliyeed, cabasho way imaan kartaa, laakiin mararka qaarkii dadku waxay dalbadaan waxa aysan awoodi karin safaaradu," ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Cawad oo isbarbardhigay xiriirka dowladda la leedahay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa qiray in ay Riyadh aad ugu dhow yihiin, wallow uu rajeeyay in cilaaqaadka Abu Dubai uu soo kobco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM