Wasiir Difaaca oo fahfaahiyay sharci ciidanka khuseeya oo BF ansixiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharci, kaasi oo xuquuq siinaya ciidamada qaranka – labaduba, kuwa shaqeeya iyo gagoobay.

Fadhiga oo uu shir gudoomiye ka ahaa Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayna soo xaadirtay 174 mudane, waxay dhamaantooda u codeeyeen Hindisaha oo ay soo diyaarisay wasaarada Difaaca, taasoo 2017 gollaha wasiirada soo meel-mariyay.

Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe], ahna mudane ka tirsan Gollaha Shacabka ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyay Wakiilada Shacabka meel-marinta Sharcigaan.

Amar-dambe ayaa ku tilmaamay sharcigan mid daryeelaya askarta u taagan difaaca qaranka iyo kuwa howlgabka noqday, isagoo intaas raaciyay inuu xuquuq-siinayo caruurta ay ka geeriyoodeen askarta kamidka ahaa ciidamada xoogga dalka.

Sharciga ayaa inta aanan la horgaynin Xildhibaanada waxaa laga talo-geliyay shacabka Soomaaliyeed, taliyayaasha ciidamada iyo Guddiga difaaca Gollaha Shacabka, sida uu ka dhawaajiyay Wasiir Xasan.

"Dowlado militari ayaa ina soo maray…dowladdani ma ahan mid militari, waa tii shacabka..Gollaha shacabkuna wuxuu metalaa [rayidka], aragtida shacabka ayayna ku ansixiyeen,” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa daboolka ka qaaday inay dhowaan horgayn doonan Gollaha Shacabka sharciga difaaca qaranka, kaasi oo uu xusay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee diyaarintiisa.

Ciidamada Soomaaliya oo jiida hore kaga jira Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaanan si wanaagsan u helin mushahaaraadkooda iyo daryaal caafimaad iyadoo Mareykanka 2017 joojiyay taageeradii u siin jiray sababo la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM