Wasiir Fiqi & Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA oo looga yeeray Golaha Shacabka

Image
Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in labada mas'uul looga yeero Golaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Baarlamaanka, kaasoo looga hadlay saameynta fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee ka da’ay deegaannada kala duwan ee dalka.

Mudanyaasha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo ku aadan qaabka wax looga qaban karo dhibaatadan ay ku barakaceen in ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

“Kalfadhigii hore waxaa ka hadlay 23 Xildhibaan, waxaana kalfadhigan ka hadlay 25 Xildhibaan, kuwaasi oo qaarkood soo jeediyay in Wasiirka ًArrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA loo yeero.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaatay talada Xildhibaanada, wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta inay horyimaadaan Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka soo horjeeda qaabkii ay dowladdu wax uga qabatay fatahaadihii dalka ka dhacay, iyadoo qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay iska indha tirtay deegaanada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM