Wasiir Fiqi oo si adag uga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe

Image
Wasiirka ayaa u sheegay dadka degan Kaaraan in maqaamka Caasimada oo uga xiranyahay dhamaystirka Dastuurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo xalay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uga qeyb galay Afur Wadareed ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin amniga iyo dhameystirka dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay xuquuq badan ka maqan tahay oo ay ugu waacantahay maqaamka caasimada, isla markaana ay xuquuqdooda heli doonaan ka dib dhamaystirka Dastuurka.

Wasiirka oo soo hadal qaatay Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in kuwii ballanqaaday dhameystirkiisa ay qaarkood maanta hortaagan yihiin, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay taageeraan.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afeed ku qaaday garabka Shariif & Farmaajo isaga oo yiri: “Dastuurka kun diyaarad hadii la raaco waxba kama badalayso, dastuurka waxaa uu horyaallaa baarlamaanka iyo hay’adihii ku shaqada lahaa ee buuqa hala yareeyo”.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka deggan Muqdisho inay u soo baxaan aftida dastuurka, isaga oo ka codsaday inay “bananaanka soo istaagaan, oo ay codeeyaan”.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya ka dib shir ka dhacay magaalada Garowe, oo dhaxmaray madaxdii hore ee dalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlay arrimaha Dastuurka iyo marxaladda uu dalka marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM