Wasiir Fiqi oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya-Somaliland farriin adagna u diray Abiy Axmed

Image
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Maamulka gobolka Banaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeyb galay Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga soo horjeeday damaca Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabada ayaa caddeeyay dhibaatooyinka uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka abuuray gobolka sanadihii la soo dhaafay, isagoo carabka ku adkeeyay in Heshiis beenaadkan uu ka dhigan yahay in uu “ictiraaafkii kala laabtay dowladda Soomaaliya.”

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay ku fashilmeen in ay gacanta ku dhigaan dhul ka mid ah Soomaaliya, isla markaana cadeeyay in dhulkii ay dagaal ku heli waayen aysan maanta ku heli doonin heshiisyo.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo farriimo culus u jeediyay nidaamka Abiy Axmed oo heshiis beenaad ah la saxiixday Somaliland.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM