Wasiir Fiqi oo soo jeediyay habka looga hortagi karo Qudbo-sirada

Image
Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay fududeyn doonto in dowladda Soomaaliya ay la socoto tirada qoysaska ee dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa Baarlamaanka Federaalka horgeeyay Hindise sharciyeedka dad-dhigista, isagoo mudanayaasha golaha uga warbixiyay faa’iidada uu dalka u leeyahay Sharcigaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa yiri, “Kuwa guursanayaa waa inay is-diiwaangeliyaan, qudbo sirada meeshaas ayay ku dhamaanaysaa''.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay fududeyn doonto in dowladda Soomaaliya ay la socoto tirada qoysaska ee dalka ka dhisan iyo Caruurta dhasha sanadkiiba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee dadka Soomaalida ah loogu diido dal ku galka marka ay u dhoofayaan dalka dibadiisa ay tahay inaysan jirin hab lagula socdo qoysaska ku nool dalka gudihiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta muwaadiniinta lagu uruurin doono hal xarun oo ay ku jirto xogta baasaboorka oo hadda dalka dibadiisa ku keydsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM