Wasiir hore oo lagu khaarijiyey weerar ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo Sabtida maanta ah ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu yaraan shan ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta sarre ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaasi.

Sabriye Cusmaan Toxubow, wasiirkii hore ee ganacsiga HirShabelle ayaa la sheegay in uu ku geeriyoodey weerarkaasi.

Cabdullaahi Shitaawe, guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa uu kamid noqday dadkii ku dhintay falkan.

Illo wareedyo ayaa warsidaha Garowe Online u dusiyey in Xasan Baldoos oo ahaa ruux ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimadda uu kamid yahay dadka dhintay.

Madaxweynaha maamulka Jowhar, Maxamed Cabdi Waare oo si adag u cambaareeyay dhacdadan naxdinta leh ayaa ku eedeeyay ururka AlShabaab.

Wadada xiriirisa Balcad-Jowhar iyo Muqdisho-Jowhar ayaa waxaa joogitaan xoogan ku leh ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo dhowr jeer mas'uuliyiin sarre ku laayey halkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM