Wasiir isu casilay "farogelinta" xukuumadda federaalka ee Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdikarim Khalif Cabdi [Dhalac] ayaa wuxuu sheegay in uu iska casilay xilka wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha xukuumadda federaalka ah.

Mr Dhalac, oo sidoo kale ah Xildhibaan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa is-casilaada wuxuu ku sheegay qoraal dheer uu soo dhigay akoonadiisa gaarka ee baraha bulshadda.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, sababta uu xafiiska u baneeyay ayaa salka ku haysa "farogelinta ay dowladda federaalka ku hayso maamul goboleedka Galmudug.

Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in ay Galmudug u dhiseyso "maamul middeysan oo ka shaqeeya danaha reer Galmudug, xiriir fiicanana la leh dowladda federaalka".

Dhalac ayaa ku tilmaamay "maamul-u-sameyn baalmarsan rabitaanka dadka Galmudug iyo Dastuurka, taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo mid hurumarineed".

"Sidoo kale, waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug, kuwaas kala ah Mudug iyo Galgaduud," ayuu hadalkiisa raaciyey.

"Sidoo kale, waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug, kuwaas kala ah Mudug iyo Galgaduud," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Cabdi oo degaan doorashadiisu tahay magaaladda Cadaalado, xarunta xeer-dejinta Galmudug, ayaa kamid mudaneyaasha baarlamaanka 10aad gaar ahaan Aqalka Hoose ee federaalka.

Xukuumada federalka ayuu ku tartarsiiyey "iney ilaaliso Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkan ee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka dayso dhismaha dowlad gobaleedyada".

Go'aanka Dhalac, oo noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee isu casila howlaha dowladda ee Galmudug, ayaa imaanaya iyadda oo maamulka isu diyaarineyso wejiga labaad ee maamul dhisida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM