Wasiir Juxa oo Baaq u direy Beelaha ku dagaalamaya Hiiraan

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Mudane Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa Baaq Nabeed u diray Beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya gobolka Hiiraan.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id oo Jimcihii ku qabtey Muqdishu, ayuu Wasiir Juxa sheegay in dagaalka socda uu yahay wax aan loo baahnayn, iyo dhiiga dad shacab ah oo si micna darro ah lagu daadinayo.

"Marka ugu horeysa waxaan ku baaqeynaa in dagaalka si deg deg loo joojiyo, aad baan uga xumahay dadka halkaasi wax ku noqday kuwa ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmay intaba," ayuu yiri Juxa.

Wasiirka ayaa ka codsaday Odayaasha, Culimaa'udiinka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolka Hiiraan inay in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalka iyo isku soo dhaweynta beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato joojinta Colaadda ka aloosan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan Wafdi ugu dirayso.

Dagaalka waxa uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socdaa inta u dhaxaysa Matabaan iyo Hees, oo dhaca xadka kala qeybiya Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna dhankiisa ku baaqay in Dagaalka gobolka Hiiraan, si deg deg ah lagu joojiyo, sidoo kalena wadahadal iyo waan-waan nabadeed lagu dhameeyo waxa keenay dirirta.

Dagaalka waxa uu salka ku hayaa muran ka dhashay Dhul Daaqsimeed, ay isku qabteen labo beelood oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasi oo ku dhaqan Deegaanka Beenaaley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM