Wasiir juxa oo shir ka daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid "Juxa" ayaa maanta shir ka furay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay ka qeyb-galayaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada, ayaa waxaa halku dhig looga dhigay hanaanka qaran ee wadajirka, kaasi oo xoogga lagu saarayo amniga iyo arrimo kale.

Barnaamijkaan Hannaanka qaran ee Wadajir ayaa ka socon doono Muqdisho mudo Saddex maalin ah ayaa waxay mas'uuliyiinta diirada ku saari doonaan dib u heshiisiinta, dhisida Gollayaasha deegaanka.

Wasiir Juxa ayaa carabka ku adkeeyay arrimaha dhisida Gollaha deegaanka ee degmooyinka maamul goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay udub dhexaad u tahay baahinta maamul dowladda.

"Hadii aan la dhisin Gollayaasha deegaanka, oo talada baahin, canshuur ma aruurin karno, hal adeeg ma gaarsiin karno shacabka, mashaariic kalena ma fulin karno" ayuu yiri Juxa.

Waxa uu amaaney maamullada billaabey dhisida Gollayaasha deegaanka, iyo kuwa horey u sameeyay, isagoo kuwa kalena ku booriyay inay hergeliyaan barnaamijkan oo uu sheegay inuu yahay mid muhiim ah.

Koonfur Galbeed ayaa dhawaan dhistay Gollaha deegaanka degmada Xudur, iyadoo ay gacanta ku hayaan hadda Ceel-Berde, taasina wuxuu ku amaaney Wasiirkii la dilay Madoobe Nuunow Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM