Wasiir ka hadlay Internet-ka ka maqan Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDIOSHO, Soomaaliya - Shacabka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya ayaa saakay ku waaberiistay Internet-ka oo go'an, taasoo ku keentay shaqooyinka jahwareer xooggan, maadaama malaayiin qof aysan shaqeyn karin adeeggan la'aantiisa.

Shirkadaha bixiya Internet-ka ayaa fariimo ay u direen macaamiishooda ku sheegay inay jirto cilad farsamo, islamarkaana ay ku howlan yihiin xalinteeda, iyagoo aan sheegin waqtiga ay qaadan doonto maqnaashiyaha Internet-ka, oo laga cabsi qabo inay maalmo ama Isbuucyo qaadato.

Internet-ka ayaa ka yimaadan hal meel, oo dhamaan Shirkadaha isticmaalaan, taasoo ah Fiber Optic badda lasos marsiiyay oo gacanta ugu jira shaqsi gaar ah oo dalka keenay, iyadoo aan jirin tartan adeeggan dadka badan ku tiirsan yihiin.

Wasiirka Tiknoolojiyadda DF Eng Canshuur oo hadlay ayaa sheegay inuu la socdo ciladda, islamarkaana laga shaqeynayo sidii fiilo cable kale oo Internet ah lagu soo gelin lahaa Muqdisho, isagoo xusay in farsamada mudo kooban lagu soo afjari doono.

Bishii July ee sanadkan ayaa sidan oo kale la waayay Internet-ka, waxaana xiligaas kusoo beegan tahay waqtiga xiisadda siyaasadeed ay jirto, oo xilka laga qaadey Xasan Cali Khayre oo isagoo ku maqan Dhuusamareeb Baarlamanka kalsoonida kala noqday Xukuumadiisa.

Marka ay dalka ka jirto xisaadda siyaasadeed ama arin shacabka hadal hayaan, waxaa qadka ka baxa Internet-ka, waxayna arintan dad badan ku micnaayeen mid ku-tala-gal loo sameeyo, oo la doonayo in bulshadda indhahooda la isaga leexiyo.

Gobollada kale ee Puntland iyo Somaliland ayaan saameyn ku yeelan Internet la'aanta marwalba ka dhacda Koonfurta Soomaaliya, maadaama aysan isku meel kasoo qaadan Fiber Optic-ga dalka laga isticmaallo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM