Wasiir ka tirsan xukuumada Khayre oo is-casilay [4 qodob oo sabab u ah]

Image

MAUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Howlaha guud iyo Dib-u-dhiska ee xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, maanta oo Axad ah ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka.

Cabdifitaax Ibraahim [Geesey] oo fahfaahin dheeraad ah ka bixiyay inuu xilka baneeyay ayaa ku sheegay inay salka ku hayso siyaasadda jahwareersan ee degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir oo degaan ahaan kasoo jeeda maamul goboleedkaan ayaa ucok-saday inuu baneeyo jagadii uu ka hayay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre afar qodob oo waawayn, kuwaasi oo kala ah;

1 - Inay faragelineyso doorashadda KGS iyo kuwa maamuladda

2 - Inay Mukhtaar Roobow ka reebtay doorashadda, ayna soox xirtay

3 - Inay diiday latashi ay la sameyso masuuliyiinta kasoo jeeda KGS

4 - Inay ku tumaneyso Dastuurka

Lama ogga waxa ay ka bedali karto is-casilaadda wasiirka talaabooyinka ay Villa Soomaaliya ku gacma-gacmeyneyso coddeynta KGS, taasi oo loo balansan yahay inay qabsoonto 19-ka bishaan, balse, waxay sii cakirineysaa xaaladda.

Bishii May ee sanadkaan 2018 ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Geesey oo ah xubin ka tirsan Gollaha Shacabka, markaasi oo laga qaaday Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi, kaasi oo jagadaan ku fadhiyay muddo kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM