Wasiir ka tirsan Xukuumada Khayre oo ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhaxeyso wadanka Kenya, taasi oo ka dambeysay markii ay Nairobi u yeeratay safiirkeeda u joogay Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta xukuumada Federaalka ah, ayaa sheegay in dowladdu ay si taxadar go’aan uga gaareyso xasaradaan, inkasta oo aanu ka horudhicin waxa uu noqonayo.

"Waad ka socotaa arrinta nagala soo cusboonaatay inaga iyo dariskeena..dowlada Soomaaliyana waxay xal uga gaari doontaa sida uga macquulsan," ayuu wasiirka ka sheegay shir caalami ah oo maanta ka furmay caasimada.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka socda beesha caalamka ayaa looga hadlayaa wacyigelinta qaranka, waxaana si lamid ah goobjoog ka ahaa wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex-qaraxday Somalia iyo Kenya ayaa salka ku haysa muran dhinaca Badda ah, kaasi oo kiiskeeda uu haatan yaalo maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ.

Wasiir Geelle ayaa noqonaya mas'uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda oo ka hadlay arrintaan, iyada oo la dhowrayo mowqifka ay ka qaataan xiisadaan madaxda ugu sareysa wadanka oo shir xasaasi ah uu u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM