Wasiir ka tirsan Xukuumada Khayre oo ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhaxeyso wadanka Kenya, taasi oo ka dambeysay markii ay Nairobi u yeeratay safiirkeeda u joogay Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta xukuumada Federaalka ah, ayaa sheegay in dowladdu ay si taxadar go’aan uga gaareyso xasaradaan, inkasta oo aanu ka horudhicin waxa uu noqonayo.

"Waad ka socotaa arrinta nagala soo cusboonaatay inaga iyo dariskeena..dowlada Soomaaliyana waxay xal uga gaari doontaa sida uga macquulsan," ayuu wasiirka ka sheegay shir caalami ah oo maanta ka furmay caasimada.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka socda beesha caalamka ayaa looga hadlayaa wacyigelinta qaranka, waxaana si lamid ah goobjoog ka ahaa wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex-qaraxday Somalia iyo Kenya ayaa salka ku haysa muran dhinaca Badda ah, kaasi oo kiiskeeda uu haatan yaalo maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ.

Wasiir Geelle ayaa noqonaya mas'uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda oo ka hadlay arrintaan, iyada oo la dhowrayo mowqifka ay ka qaataan xiisadaan madaxda ugu sareysa wadanka oo shir xasaasi ah uu u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM