Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo mooshin laga gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], markii laga gudbiyey mooshin soo-gole-joojin ah.

Soo jeedinta oo ay saxiixeen 11 Xildhibaan ayaa waxay doonayaan in ay su'aallo ka waydiiyaan arrimo ku aadan shaqada warbaahinta ku hadasha afka dowladda iyo sharciyadda ay ku howlgalaan.

Sidda laga soo xigtay warqadda, Maareeye ayaa lagu wargeliyey in uu Aqalka Hoose hortago 15-ka bishaan December oo ku beegan Axadda todobaadka soo aadan ah.

Mudaneyaasha mooshinka gudbiyey ayaa ku doodaya in Radio Muqdisho, SNTV iyo SONNA aysan si siman u baahin wararka la xiriira baarlamaanka iyo hadal-jeedinta Xildhibaanadda.

Sharcidejiyeyaasha ayaa ku tibaaxay qoraalkooda in warbaahinta Qaranka kaliya laga sii daayo xubnaha taageersan xukuumadda marka ay jiraan fadhiyadda masiiriga ah.

Todobaadkan gaar ahaan Axadii, wasiirada amniga iyo duulista hawada ayaa hortegay Golaha Shacabka, waxaana wax laga waydiiyey ammaanka Muqdisho iyo xayiraada socdaalka Kismaayo.

QORAALKA YEERISTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM