Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo mooshin laga gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], markii laga gudbiyey mooshin soo-gole-joojin ah.

Soo jeedinta oo ay saxiixeen 11 Xildhibaan ayaa waxay doonayaan in ay su'aallo ka waydiiyaan arrimo ku aadan shaqada warbaahinta ku hadasha afka dowladda iyo sharciyadda ay ku howlgalaan.

Sidda laga soo xigtay warqadda, Maareeye ayaa lagu wargeliyey in uu Aqalka Hoose hortago 15-ka bishaan December oo ku beegan Axadda todobaadka soo aadan ah.

Mudaneyaasha mooshinka gudbiyey ayaa ku doodaya in Radio Muqdisho, SNTV iyo SONNA aysan si siman u baahin wararka la xiriira baarlamaanka iyo hadal-jeedinta Xildhibaanadda.

Sharcidejiyeyaasha ayaa ku tibaaxay qoraalkooda in warbaahinta Qaranka kaliya laga sii daayo xubnaha taageersan xukuumadda marka ay jiraan fadhiyadda masiiriga ah.

Todobaadkan gaar ahaan Axadii, wasiirada amniga iyo duulista hawada ayaa hortegay Golaha Shacabka, waxaana wax laga waydiiyey ammaanka Muqdisho iyo xayiraada socdaalka Kismaayo.

QORAALKA YEERISTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM