Wasiir ka tirsanaa maamulka HirShabelle oo toogasho lagu dilay

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dabley hubeysan ayaa lagu waramay in caawa ay hoygiisa ku yaala magaalada Jowhar ku dhex-dishay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka HirShabelle.

Alle ha u raxmadee marxuumka oo sidoo kale ah Xildhibaan "afgaaban" kana tirsan Golaha Wakiilada maamulkaas ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Abuukar Muxumed.

Gacan-ku-dhiiglihii ka dambeeyay khaarijinta ayaa la sheegay in uu ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamadda ammaanka oo baaritaan bilaabay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh degaanada HirShabelle, halkaasoo ay ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo kuwa toos ah ii ciidanka la eegtaan.

Bishaan August 13-keeda ayuu madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu u magacaabay jagadaas. Wuxuu bedelay Cali Xaaji Cabdulle Isgoow. Kahor wuxuu soo noqdey wasiir ku xigeenka maaliyada.

Falalka amni darada ayaa kusoo badanaya degaanka maamulkan iyaddoo ay soo dhow-dahay doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyadda, mana muuqdo diyaar-garow loogu jiro coddeyntaas.

Sidda ku xusan jadwalka u degan maamulkan, bisha September ayaa qorshuhu yahay in ay bilaabato xulista Xildhibaanada, halka October ay qabsoomeyso cod-bixinta lagu dooranayo hogaanka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM