Wasiir kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo is-casilay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyey inuu baneeyay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku shaaciyey in uu uga mahadcelinayo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre mudadii ay wada shaqeeyeen.

Wehliye ayaa kamid ah murashaxiinta u taagan jagada madaxtinimada Galmudug, taasoo lagu waddo in ay dhowaan ku qabsoonto Dhuusamareeb.

Isagoo shalay warbaahinta kula hadlay magaalo madaxda Galmudug, Wehliye ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso doorashada.

"Saaxiibadey waxay iigu colaadiyeen dedaaladeyda miradhalka ah oo aan ku doonayo in lagu helo Galmudug loo dhan yahay," ayuu hadalkiisu ku daray.

Warar soo baxaya ayaa daboolka ka qaadaya in Wehliye uu gacansaar hoose la leeyahay ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo baarlamaanka ku leh 20 Xildhibaan.

Dowladda madaxweyne Maxamd Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay dano gaar ah ku fushaneyso doorashooyinka, talaabadaas oo looga digay.

Xukuumadda ayaa sidoo kale la sheegay in ay Xildhibaanada cusub ee Galmudug u diiday kaararka aqoonsiga. Mudaneyaasha waxay wajahayaan cabsi-gelin iyo hanjabaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM