Wasiir kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo is-casilay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyey inuu baneeyay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku shaaciyey in uu uga mahadcelinayo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre mudadii ay wada shaqeeyeen.

Wehliye ayaa kamid ah murashaxiinta u taagan jagada madaxtinimada Galmudug, taasoo lagu waddo in ay dhowaan ku qabsoonto Dhuusamareeb.

Isagoo shalay warbaahinta kula hadlay magaalo madaxda Galmudug, Wehliye ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso doorashada.

"Saaxiibadey waxay iigu colaadiyeen dedaaladeyda miradhalka ah oo aan ku doonayo in lagu helo Galmudug loo dhan yahay," ayuu hadalkiisu ku daray.

Warar soo baxaya ayaa daboolka ka qaadaya in Wehliye uu gacansaar hoose la leeyahay ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo baarlamaanka ku leh 20 Xildhibaan.

Dowladda madaxweyne Maxamd Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay dano gaar ah ku fushaneyso doorashooyinka, talaabadaas oo looga digay.

Xukuumadda ayaa sidoo kale la sheegay in ay Xildhibaanada cusub ee Galmudug u diiday kaararka aqoonsiga. Mudaneyaasha waxay wajahayaan cabsi-gelin iyo hanjabaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM