​Wasiir katirsan Jubbaland oo ku dhintey Qaraxii ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia-  Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf [Aw-libaax], ayaa ku geeriyoodey Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Wasiirka uu haleelay Qaraxa Ismiidaaminta ah, xilli Gaarigiisa uu marayay Wadada Makka Al Mukarama, ee hormarta Saldhigga Booliska Degmada Waaberi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Jubbaland, oo ku aadan Geerida Wasiirkeeda Dhalinyarada iyo Ciyaraha Maxamed Yuusuf [Aw-libaax], oo shaqo mudooyinkan u joogay magaalada Muqdishu.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay oo lagu dilay Qaraxa maanta ka dhacay Caasumadda, kaasi oo ay ms’uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al shabaab.

Sawirro laga soo qaadey Goobta ayaa muujinaya baabuur gubatey, Burbur xoogan oo gaaray dhisamaha saldhigga Booliska degmada Waaberi, iyo Goobo Ganacsiga oo ka agdhaw.

Al shabaab ayaa saddex weerar ka fulisay Muqdishu mudo 9 maalmood ah.

June 14: Pizza House, waxaa ku dhintey 29 qof

June 20: Xarunta degmada Wadajir, waxaa ku geeriyootey 10 ruux

June 22: Saldhigga Booliska degmada Waberi, oo ay ku dhinteen 8 qof, oo Wasiirka Jubbaland iyo Ninka is qarxiyay ay ku jiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM